Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xarrun ka Hor-tageysa Xag-jirnimada oo Muqdisho Laga Furey


Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka furtay xarun cusub oo oo dhinaca isgaarsiinta internetka kaga hor-tageysa falalka xag-jirnimada gacan ka hadalka wadata.

Xarruntan oo hoos imaaneysa wasaaradda Warfaafinta ee dowladda, ayaa gudbin doonta fariimo ay dhalin yarada kaga wacyigelineyso ku biirista ururka al-Sshabab, isla markaana ay ku hoga tusaaleyneyso faa’idooyinka dowladnimada, nabadda iyo horumarka.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa xaruntan cusub ka wareystay, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala), oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Dhageyso Xarrun cusub oo xagjirnimada looga hortagayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:04 0:00

XS
SM
MD
LG