Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Wakiillada oo Ansixiyay Xeer ka Dhan ah Kufsiga iyo Tacaddiyada Haweenka


Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa ansixiyay xeer ka dhanka ah kufsiga iyo tacaddiyada haweenka, kaas oo noqonaya kii u horreeyay ee gaar u ah arrimahaas ee golahaasi ansixiyo.

Inkastoo ay hore maxkamaduhu u qaadi jireen kiisaska la xiriira kufsiga, haddana, inta badan waxay ahaayeen kuwo lagu dhammeeyo waan-waan iyo wadahadallo ay hormood ka yihiin madax-dhaqameedku, arrintaas ayuu xeerkani mamnuucayaa.

Muhiimad noocma ah ayuu xeerkani u leeyahay bulshada? Sidee ayuu se u xukumayaa dadka gala dembiyadan iyo ciddii doonta in wadaxaajood lagu dhammeeyo? Waxa arrimahaas warbixintan ku eegaya oo Hargeysa ka soo diray weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.

Dhageyso Xeer ka dhan ah kufsiga oo la meelmariyay
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:48 0:00

XS
SM
MD
LG