Isku xirrada

Somaliland oo Dowladda Soomaaliya ku Eedeysay Faragalin


Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaaddeen mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland ayaa lagaga hadlay xaaladda ka taagan xadka Somaliland iyo Puntland.

Fadhigan oo albaabadu u xirnaayeen ayaa guddoomiyaha golahaas, Baashe Maxamed Faarax, waxa uu warbaahinta uga waramay wixii kulankaa lagaga wada hadlay, waxaanu dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ku eedeeyay inay farogelin ku hayaan Somaliland, waa sida uu yiriye.

Waxaanu sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay la galeen Somaliland. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG