Laba suxufi oo ka mid ah saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa maanta maxkamadi ku xukuntay midkiiba laba sanno oo xadhig ah, ka dib markii sida ay maxkamaddu sheegtay ay ku caddaatay faafinta warar been-abuur ah. Warbixintan waxaa magaalada Boorama nooga soo diray weriyahayaga Haashim Sheekh Cumar Good.