WASHINGTON. D.C —
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muse Biixi Cabdi, ayaa maanta safarkiisii u horreeyey ku tagay jamhuuriyadda Djibouti.
Madaxweyne Biixi oo ay la socdaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan mas’uuliyiinta Djibouti oo uu ka mid yahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Ramadan Muse, weriyaha VOA ee Djibouti ayaa warkan kooban noo soo diray.