Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho oo laga hergaliyay Khad satellite


Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan laga hir-geliyay adeeg internet oo dhinaca khadka sateliteka ah oo casri ah, xawaarihiisu sareeyo, looguna talagalay inay ka faa’ideystaan shirikadaha ganacsiga, warbaahinta, iyo dadka doonaya in ay si toos ah ay usoo bandhigaan barnaamijyadooda.

Adeeggan ayaa waxaa labaddii bishan hir-gelisay shirkadda Dalcom, Soomaaliya, oo horey Muqdisho u geysay khadka internetka ee xarkaha badda hoostooda mara ee Fiber optigga loo yaqaan.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa adeeggan cusub ka wareystay maamulaha shirkadda Dalcom, Maxamed Axmed Jaamac, isagoo ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Dhageyso Qiima dhimista
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:01 0:00

XS
SM
MD
LG