WASHINGTON. D.C —
Laacibka lacagaha badan ay kasoo bixisay kooxda Barcelona Ousmane Dembele ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kadib marki uu kasoo bogsaday dhaawac uu la jiifay tan iyo bishii September.
Xidigaan khadka dhexe uga ciyaara xulka France iyo kooxda Barcelona ayaa saftay kulan ay xalay kooxda Barca la dheeshay naadiga Celta Vigo, kaasoo ka tirsanaa is araga koowaad ee wareega 16-ka koobka Copa del Rey.
Ciyaartan ayaa kusoo dhamaatay bar barro 1-1 ah. Barcelona waxaa goolka u saxiixayArniaz, halka Celta Vigo uu u dhaliyay Sisto.
Dembele oo ah20 jir ayaa ugu fadhiya Barcelona lacag dhan 147 milyan oo euro. Waana laacibka labaad ee ugu qaalisan aduunka.