Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Kheyre oo Xilalkii Ka Eryey Wasiirro, Magacaabayna Kuwa Cusub


Reysal wasaaraha Soomaaliya ayaa habeenkii Arbacada xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, isagoo magacaabay kuwa cusub.

War saxaafdeed ka soo baxay xafiiska Reysal wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu xilkii ka qaaday wasiirkii arrimaha dibadda, Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha Khadra Axmed Ducaale.

Kheyre, ayaa ku baddalay wasiiradaasi xubno cusub, iyadoo Cabdi Maxamed Sabriye, loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka arrimaha dibaddana waxaa loo magacaabay Axmed Ciise Cawad, oo ahaa danjirihii Soomaliya ee Washington, halka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Seynab Abuukar Maxamed, ayaa warbixin ku saabsan xilka qaadista wasiirradan ka soo dirtay Muqdisho.

Dhageyso Faahfahinta xilka qaadista wasiirada
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00

Haddaba maxey ka dhigan tahay xil ka qaadista wasiiradaasi iyo magacaabista kuwa cusub? Wariyeheenna Maxamed Cabdi Xassan ayaa su’aashaa iyo kuwo kaleba weydiiyay, Seynab Maxamed Xassan, oo ah aas'aasaha iyo guddoomiyaha ururka kacdoonka sinnaanta jinsiga Somaaliya, kuna sugan magaalada Muqdisho.

Maxay ka dhigan tahay xilka qaadista wasiirada
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:17 0:00

XS
SM
MD
LG