Gobalka Minnesota waxaa maanta xilalkii ay ku guuleysteen loo dhaariyay musharaxiintii sanadkii tagay doorashada ku soo baxay.
Mas’uuliyiintii la dhaariyay oo Soomaaliduna ay ku jirtay ayaa waxaa ka mid ahaa Cabduqaadir Xasan oo loo yaqaano “AK Hassan”
Cabdulqaadir AK ayaa waxaa loo doortay xubin ka tirsan Guddoonka Goobaha lagu nasto iyo Garoomada Ciyaaraha dadweynaha ee magaalada Minneapolis. Dhaarta Cabdulqaadir AK oo ay goob joog ka ahaayeen Duqa magaalada Minneapolis, Guddoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga ee gobalka Minnesota iyo Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida, ayaa waxaa lagu dhaariyay kitaabka Quraanka Kariimka ah.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay wariyaha VOA Minnesota Maxamuud Mascadde waxa uuna wareysi la yeeshay Cabduqaadir A, ugu horreyna waxa uu waydiiyay waxa ay uga dhigan tahay guushiisa keentay in xilka loo dhaariyo.