Isku xirrada

Xaggee La Kala Maryaa Horyaalka Ingiriiska


Liverpool's Egyptian midfielder Mohamed Salah controls the ball during the UEFA Champions League Group E football match between Liverpool and NK Maribor at Anfield in Liverpool, north-west England on November 1, 2017. / AFP PHOTO / Paul ELLIS

Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa mar kale todobaadkan la ciyaaray, iyadoo kooxda Chlesea ay kusoo laabatay kaalinta labaad.

Chelsea waxay Sabtidii 5-2 ugu awood sheegatay kooxda Stoge. Goolasha Chelsea waxaa kala qeybsaday Antonio Rudiger, Danny Drinkwate, Pedro, Willian iyo Davide Zappacosta.

Guushaasi ayaa kaga dhigan Chelsea in ay hadda 13 dhibcood oo kaliyah usoo jirsatay hogaamiyaasha horyaalka ee Manchester City oo maanta duhurkii xilliga Soomaaliya la ciyaari doonto kooxda Crstal Palce.

Kooxda Manchester United oo maalmahan ku jirtay kaalinta labaad, waxay hadda u dhacday booska saddexaad kadib marki ay xalay bar-barro 0-0 ah la dhaafi wayday Southampto.

Waa barbarihi labaad oo xiriir ah oo ay galeyso muddo hal todobaad gudahiis ah.
Kooxda Liverpool ayaa ciyaar xiisa badan kusoo bandhigtay shalay gurigeeda kadib marki ay 2-1 ku garaacday Leicester. Labada gool ee ay Liverpool ku badisay waxaa saxiixay laacibka u dhashay dalka Masar Mohamed Salad.

Salah oo si wanaagsan ugu tamashleynaya waayihiisa kooxda Liverpool, ayaa hadda hogaaminaya gooldhalinta horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan, wuxuu hadda leeyahay 17 gool.
Ciyaaraha kalana, kooxaha waxay isu arkeen sidaan:

AFC Bournemouth 2 - 1 Everton
Huddersfield Town 0 - 0 Burnley
Newcastle United 0 - 0 Brighton & Hove Albion
Watford 1 - 2 Swansea City

Arsenal-na habeenka Axada ay la dheeleysaa kooxda West Bromwich Albion.


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG