Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AFRICOM: Waxan ka hortagnay isku day qarax oo shacabka Muqdisho lagu wax yeelleyn lahaa


Mareykanka ayaa sheegay inuu duqeyn ku dilay afar ka tirsan maleeshiyada ururka al-Shabab isla markaana uu burburiyay gaari ay walaxaha qarxa saaraayeen.

War ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay Arbacadii shalay ka dhacday meel 25 kiilo mitir dhinaca galbeedka kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warku waxa uu intaasi ku daray in Mareykanka ay ka hor tageen gaari lagu dhibaateyn lahaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool Muqdisho.

Waxaa kaloo qoraalkan lagu sheegay in cid rayid ah aysan wax ku noqon.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay in ka baadan 30 duqeyn cirka ah oo uu la beegsaday al-Shabab iyo koox yar oo sheegata inay yihiin garabka ISIS ee Soomaaliya, sanadkan oo kaliya.

Arbacadii shalayna, wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ka dhacday 24kii bishan meel ku dhow Kismayo ay ku dileen 13 ka tirsan maleeshiyada al-Shabab.

XS
SM
MD
LG