Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Meydadka dad Soomaali loo maleynaayo oo laga heley Mozambique


Wararka imanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in laga helay dalkaasi maydadka 13 qof oo loo malaynayo inay Soomaali yihiin.

Maydka dadkan loo maleynaayo Soomaalida ayaa Axaddii laga helay kayn ku taalla gobolka Sofala.

Dadweynaha ku nool agaagrka meesha maydka dadkan laga helay ayaa dareemay ur iyaga oo marka kadibna booliska ku war geliyay arrintaasi.

Shaqaalaha xafiiska dambi-baarista ee qaybta caafimaadka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Mozambique ayaa tagay goobta laga helay meydadka.

Ilo wareediyo kala duwan ayaa VOA-da u sheegay in dadkan dhintay loo malaynayo inay ku dhex dhinteen koontaynar lagu dhex xiray iyaga oo ka dhuumanaya booliska dalkaasi, waxaana loo badniayaa inay rabeen inay tahriibaan.

Booliska dalka Mozambique ayaa ballan qaaday inay samaynayaan danbi baaris lagu ogaanayo xaqiiqada arrintan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG