Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharcigii Xayiraadda Socdaalka Mareykanka oo Qaybo ka Mid ah la Horistaagey


Dalkan Mareykanka Sabtidii ayaa xaakim heer federal ah waxa uu hor-istaagay qeybo ka mid ah sharcigii xayiraadda socdaalka ee Madaxweyne Trump ee xadidayay soo galitaanka dalkan ee qaxootiga ka soo jeeda dhowr wadan oo Islam u badan, Soomaaliyana ay ku jirto.

Qareenka xukunkan riday ayaa taageeray kooxo ku doodayey in sharciga Madaxweynaha uu ka hor-istaagayo dadka shisheeye inay la midoobaan qoysaskooda horey u sii joogay Mareykanka.

Hadaba, wariyeenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan iyo halka ay mareyso xaaladda 92 qof oo Soomaali ah oo Mareykanku u tarxiilayay Soomaaliya oo dayuuraddii waday ay ka soo noqotay dalka Senegal ka wareystay, Garyaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo ah qareen fadhigiisu yahay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesotta.

Halkan ka dhageyso:

QAREEN CABDINAASIR
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:19:15 0:00

XS
SM
MD
LG