Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man City Xajisatay Xariga Horyaalka


Raheem Sterling

Kulamo xiisa leh oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa shalay galab iyo xalayba dhacay. Kooxda Manchester city ayaa kordhisay dhibcaha ay ku hogaamineyso horyaalka, kadib marki ay 4-1 ku garaacday Tottenham.

Laba ka mid ah goolasha waxaa City u dhaliyay Raxiim Sterlin, halka labada kale ay bilowgi ciyaarta kala qeybsadeen Ilkay Gunduan iyo Kevin de Bruyne. Waa guushii 16-aad oo xiriir ah oo ay Manchester City kasoo hoyneyso horyaalka Premier liiga xilli ciyaareedkan.

Waxay hadda 14 dhibcood ka sarreysaa kooxda kusoo xigto ee Manchester United oo galabta la ciyaaresa kooxda West Bromwich Albion.

Kaalinta labaad waxaa Manchester United la wadaagta Chelsea oo shalay 1-0 ku garaacday Southampton. Arsenal waxay gool uu u saxiixay Mecud Ozil uga badisay New Castle.

Ciyaaraha kalana, Leicester City waxaa3-0 ku khaarijisay Crystal Palace
Huddersfield Town 4-1 ay ku cuntay Watford, halka West Ham ay 3-0 kaga takhalustay Stoke City. Caawa fiidkiina Liverpool ayaa la balansan AFC Bournemouth.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG