Isku xirrada

Real Madrid oo Noqotay Horyaalka Aduunka


Les joueurs du Real Madrid célèbrent leur sacre de champion du monde des clubs à Abou Dhabi, 16 décembre 2017. (Twitter/Real Madrid)

Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay Koobka Naadiyada Aduunka, oo sanadkiiba mar ku tartamaan naadiyada horyaalada ka ah Qaaradaha Aduunka.

Finalka ciyaartan oo Sabtidi shalay ka dhacday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, Ayaa Real madrid oo heysato horyaalnimada Yurub waxay 1-0 ugu awood sheegatay kooxda Gremio ee ah kooxda heysata horyaalnimada Latin America. Goolka guusha waxaa Real udhaliyay Cristiano Ronaldo.

Guushan ayaa ka dhigan Real, in ay noqotay kooxdi ugu horreysay oo laba jeer oo xiriir ah ku guuleysata tartankan, sidoo kale waa markeedii shanaad oo ay hananeyso koobka naadiyada aduunka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG