Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Muqudisho


Qarax ka dhacay Muqdisho
Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax saakay aroorti ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada 17 askari oo ka tirsan ciidamada booliska.

Weerarkan oo uu fuliyay qof ismiidaamiyay oo soo xirtay dareyska ciidanka booliska, ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay tobaneeyo kale.

Wariyaha VOA-da ee Muqdisho ayaa kusoo warramaya in ciidamada ku dhintay qarrixi saakay ay u badnaayeen ciidamada laanta canshuuraha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana ku jira sargaal darajadiisa ay ahayd Kaptan.

Qaraxa ayaa ka dhacay barxadda weyn ee Jeneraal Kaahiye.

XS
SM
MD
LG