Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay duqeyn cirka ah lala beegsaday gaari nooca caasiga loo yaqaan ah oo marayay deegaanka Mubaarak.
Al-Shabaab ayaa ku sheegtay baraha taageera in gaarigaasi ay uu siday khudaar, dad rayid ahna ay weerarkaas wax ku noqdeen, laakiin saraakiisha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in gaarigaasi ay saaraayeen walaxaha qaraxa.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa warrintan ka wareystay, gudoomiye ku xigeenka Maamulka Shabeelaha Hoose, Cali Nuur.