Maxamed Ibrahim Gaaboow oo ahaa wariye ka tirsanaa telefishinka Kalsan ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho, kadib marki bam loogu xiray baabuurkiisa.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid loogu xiray baabuurkiisa, waxana marki uu qarraxu dhacayay uu marayay meel u dhow suuqa kalluunka ee degmada Wadajir.
Abwan Cisman Cabdullahi Guure oo ka tirsan mas,uuliyiinta TV-ga Kalsan, ayaa VOA u xaqiijiyay in wariye Maxamed Ibrahim Gaabow uu ku geeriyooday bamka loogu xiray baabuurkiisa.
Abwaan Guure ayaa u warramay wariyaheena Falastiin Axmed Iimaan.