Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Khasaara Sababay oo Ka Dhacay Bakool


Bakool
Bakool

Wararka naga soogaaraya magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa sheegaya in iska hor imaad hubaysan uu maanta ku dhexmaray duleedka degmadaas, Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab.

Iska hor imaadka ayaa bilowday markii ay kooxda shabab ay weerar kadis ah ku qaadeen gaari ay saarnaayeen ciidanka dowladda. Saraakiisha ciidamada maamulka ee Gobolka Bakool ku sugan ayaa xaqiijiyay inay dagaalkaas ku geeriyoodeen 4 askari 2 kalane uu dhaawac soo gaaray. Ilaa iyo haddda ma cadda khasaaraha soo gaaray rayidka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar noocaan ah ay kooxda Al Shabaab ku qaadaan ciidanka Dowladda Soomaliya.

XS
SM
MD
LG