Isku xirrada

War Deg-Deg ah

PSG oo Soo Laabaty


Angel Di Maria iyo saaxibadiis oo dabaaldagaya
Angel Di Maria iyo saaxibadiis oo dabaaldagaya

Kooxda Paris St-Germain ayaa kasoo kabatay guuldarrooyin kharaar oo la kulantay labadi todobaad ee lasoo dhaafay, kadib marki ay xalay 3-1 ku garaacday Lille.

PSG ayaa iska meyrtay jabki kasoo gaaray kooxda Bayern Munich ciyaar ka tirsaneyd koobka kooxaha horyaalada Yurub, iyo guuldarradi layaabka laheyd ee ay kala kulantay todobaadki hore kooxda Strasbourg horyaalka League one-ka France.

Goolashi ay ku badisay xalay waxaa u kala dhaliyay Angel di Maria, Javier Pastore iyo Kylian Mbappe. Goolka calanka waxaa Lille siiysay Anwar el Ghazi.

PSG waxay hadda horyaalka France ku hogaamineysaa 44 dhibcood, waxaa kusoo xigta Monaco oo xalay 3-2 ku dardartay Troyes. Waxay leedahay 35 dhibcood.

Ciyaarihi kale ee horyaalka France waxay kooxugu isu arkeen sidaan:

Angers 1 - 1 Montpellier
Guingamp 4 - 0 Dijon
Metz 1 - 1 Rennes
Toulouse 2 - 0 Caen

XS
SM
MD
LG