Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maamulada Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ay galabta heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixdeen madaxtooyadda Somalia.
Heshiiskan ayaa waxey labada dhinaca isla garteen awood qeybsi, ay Ahlu-sunnah ku yeelaneyso maamulka xukumadda dowlad Goboleedka Galmudug, isku dhafka xubnaha baarlamanada Ahlu Sunna iyo Galmudug.
Qeybsiga taliyeyaasha ciidamada iyo taliy xigeenada, Abuurista ciidan isku dhaf ah iyo in Dhuusa mareeb lagu fuliyo qodobada heshiiskan.
Munaasabaddii lagu kala saxiixday heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda ee dowladda Federaalka.