Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Benevento oo Heshay Dhibic Taariikhi ah


Alberto Brignoli
Alberto Brignoli

Kooxda Benevento ee dalka Talyaaniga ayaa soo xareysatay dhibicdi ugu horreysay abid ee horyaalka Serie A-da, kadib marki ay barbardhac 2-2 ah Axadi maanta la gashay AC Milan.

Goolka bareejada oo yimid daqiiqadi 95-aad ee ugu danbeysay ciyaarta, ayaa waxaa madaxa si qurux badan ugu dhaliyay goolhayaha Benevento Alberto Brignoli. Goolkaasi ayaa galay taariikhda kooxdani ku cusub sanadkaan horyaalka heerka koowaad ee Talyaaniga.

Benevento waa kooxda ugu hooseyso dhinaca kala horreynta, dhamaan kulamadi ay ciyaartay xili ciyaareedkan ayaa laga wada badiyay.

Milan waxaa goolasha u kala dhaliyay Giacomo Bonaventura iyo Nikola Kalinic, halka goolasha Bonevento ay saxiixeen, George Puscas iyo Alberto Brignoli.

Dhinaca kalana, barbarahan ayaa wuxuu dhabarjab ku yahay macalinka cusub ee Milan Gennaro Gattuso oo ciyaarti galabta ay u aheyd tii ugu horreysay tan iyo marki xilka loo dhiibay todobaadki hore.

Wuxuu baddalay macalinki hore Vincenzo Montella oo shaqada laga eryay Isniinti lasoo dhaafay.

Wuxuu noqonayaa goolhayihi ugu horreeyay ee gool ka dhaliya horyaalka Talyaaniga ee Serie A-da tan iyo sanadki 2011-ki.

XS
SM
MD
LG