Isku xirrada

Julio Cesar oo Ciyaaraha Ka Fariisanaya


Julio Cesar

Goolhayihii caanka ahaa ee kooxda Inter Milan iyo xulka Brazil Julio Cesar, ayaa lagu warramayaa inuu ka fariisan doono xirfaddiisa goolhayanimo ee dhinaca kubadda cakta marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

38 jirkan ayaa Talaadadi isaga tagay kooxda Benfica ee dalka Portugal, kadib marki ay kooxda baabi,isay qandaraaski laacibkan. Wargeyska Record ee dalka Portugal ayaa daabacay saaka, in Cesar ay u badantahay inuu howlgab noqdo bisha Janaayo.

Sannadihi ugu wacnaa ee Julio Cesar xirfadiisa kubadda cakta ayaa ahaa waayihiisii Inter Milan ee sanadihi u dhaxeeyay 2005 iyo 2012. Wuxuu la qaaday shan ka mid ah horyaalka Talyaaniga iyo hal koob oo ah kan Yurub. Mudadaasi wuxuu u saftay 300 oo kulan.

Sidoo kale xulka Brazil waxa uu u ciyaaray 87 jeer. Wuxuu la qaaday koobka Qaaradda Laatiin Ameerika.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG