Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milan oo Montella Ku Badashay Gattuso


Montella
Montella

Kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa eriday tababarahoodii Vincenzo Montella kuna badashay laacibkoodii hore Gennaro Gattuso.

Ceyridda Montella ayaa ka danbeysay ka gadaal marki ay kooxda ku guuldarreysatay in ay soo gasho kaalimaha hore ee horyaalka. 14-ki kulan ee ay ka ciyaareen Sere A-da Talyaaniga waxaa laga badiyay 6 jeer.

Ciyaarti ugu danbeysay ee ay Milan Axadi la dheeshay Torino ayaa kusoo dhamaatay barbarro 0-0 ah. Sidoo kale Milan ayaa 18 dhibcood ka hooseysa kooxda horyaalka hogaamineysa ee Napoli.

Gattuso, ayaa ka hor inta aanan maanta loo dhiibin xilka tababaraha koowaad ee Milan, wuxuu ahaa macalinkii kooxda dhalinyarada Milan.

Macallin Gattuso ayaa muddo 14 sano ah ahaa mashiinkii khadka dhexe ee Milan, inti u dhaxeysay 1999-kii ilaa 2013-ki. Wuxuu la qaaday 3 horyaalka Talyaaniga ah iyo laba koobka kooxaha horyaalada Yurub.

Wuxuu noqonayaa macallinki 6-aad oo muddo 4 sana ah Milan leyliyo, waxaa ka horreeyay Montella, Cristian Brocchi, Pippo Inzaghi, Clarence Seedorf, Tasotti, Sinisa Mihajlovic iyoMassimiliano Allegri.

XS
SM
MD
LG