WASHINGTON. D.C —
Kooxda Barcelona ayaa siisay xidigooda Lionel Messi qandaraas kordhin cusub, kaasoo dhamaan doona sanadka 2021-ka.
Messi oo 30 jir ah ayaa ku sheegay hadafka heshiiskan cusub oo uu saxiixay, sii kordhinta guulaha iyo sameynta taariikh cusub.
Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in kooxdi rabta Messi ay miiska soo saarto aduun lacageed oo gaaraya 700 oo milyan oo euro.
Laacibkan u dhashay dalka Argentine ayaa shan jeer noqday xidiga aduunka. Waa laacibka ugu goolasha badan Barcelona, wuxuu u dhaliyay 523 gool.