WASHINGTON. D.C —
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha ku yaalla gobolka Minnesota ayaa soo gaba gabeeyay olole ay lacago kaalma ah ugu ururuiyeen shaqaalaha ka shaqeeya gaadiidka gargaarka deg dega ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho.
Wariyaheena gobolka Minnesota Maxamud Mascade magaalada Minneapolis kula kulmay Hodan Rooble iyo Nasra Cali oo ka mid ah ardayda barnaamijkan gurmadka ah soo qaban qaabisay. Marka hore Hodan Rooble ayaa ka jawaabeysa sida ay marka hore ku keeneen aragtidani.