Maamul-goboleedyada Soomaaliya ayaa Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday inuu hakiyo ansixiinta hinside sharciyeeyada loo soo gudbiyay ama ay anxisIyaan tan iyo ay dowladda dhexe ka fulinayso qodobadii ay labda dhinac ku heshiiyeen 5-tii November iyo waliba qodobka 54aad ee dastuurka KMG ee Soomaaliya.
Maamuullada ayaa sheegay in hinside sharciyeedyada aan lagala tashan iyaga. Haddab, Jacfar Kuukay ayaa arrintan ka wareystay, madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, oo sidoo kale ah guddoomiye ku xigeebnka golaha iskaashiga dowlad-goboleedyada.