Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Benevento oo Noqotay Kooxda Ugu Guuldarrada Badan Yurub


Serie A
Serie A

Kooxda Benevento ee dalka Talyaaniga ayaa jabisay diiwaan horay ugu yaallay naadiga Manchester United, kaasoo ahaa in laga wada badiyay dhamaan 13-ki kulan ee ugu hoorreeyay ee ay ka ciyaartay horyaalka Sere A.

Kooxdan ayaa ciyaarti ay xalay la dheeshay kooxda Sassuolo ku khasaartay 2-1. Kooxda Manchester United ayaa horay u heystay diiwaanka kooxda ugu guuldarada badan hal xilli ciyaareed dhamaan horyaalada laga ciyaaro Yurub.

Benevento,ayaa ku cusub horyaalka Serie A-da Talyaaniga xilli ciyaareedkan. Haddii aysan guulo mucjisa ah la imaan, ayaa waxaa loo saadaalinayaa inay dib ugu laaban doonto sanadka danbe horyaalka labaad ee Serie B-da Talyaaniga.

XS
SM
MD
LG