Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulamada is-reeb-reebka koobka adduunka


Isbuuca soo socda ayaa la filayaa in kooxaha ka qeyb galaya koobka adduunka ay ku dhawaaqaan safka ciyaaryahannada uga qeyb galaya koobka.

Waxan qeybtan hoose idin kugu soo gudbineynaa kulamada kala harka ah ee ay dalalku dadaal ugu jiraan inay ku biiraan dalalkii hore ugu soo gudbey koobka adduunka.

NORTHERN IRELAND vs. SWITZERLAND

Northern Ireland, ayaa koobkan dooneysa inay usoo baxdo muddo kadib, waxana group-yada ay ku soo baxdey kaalinta labaad, kadib markii ay ka badisey waddanka koobkan difaacanaya ee Jarmalka, oo hore u xaqiijiyay usoo bixidda koobka.

Switzerland, ayaa kaalinta afaarad fadhisay bishii Augots, hasa yeshee dadaal badan oo ay galeen, waxa u suuragashay inay badiyaan sagaal kulan oo isku xiga, una suuragalisey inay ciyaaran kulamadan kala harka ah.

Kulamada kale ee dhici doona waxa kamid ah:

CROATIA vs. GREECE

SWEDEN vs. ITALY

DENMARK vs. IRELAND

AUSTRALIA vs. HONDURAS

NEW ZEALAND vs. PERU

XS
SM
MD
LG