Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Ethiopian ah oo kasoo gudbay xadka Gedo


Ciidanka Ethiopia - itoobiya
Ciidanka Ethiopia - itoobiya

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata ilaa iyo 30 gaari oo Ethiopian ah ay shalay iyo maanta ka soo gudbeen xuduuda Somalia ee Doolow ee Gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka dhan ah al-Shabaab, kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Muqdisho.

Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hase yeeshee waxeyku gaabsadeen in ciidamo Ethiopian ah ay horey u joogeen gobolka, isla markaana uu socdo abaabulka duulaan xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab.

Ethiopia ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah kuwa AMISOM, bishii October ee sanadkii tagayna ciidamo badan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka oo Ethioopia ka joogay Soomaaliya aya baaneeyay saldhigo badan oo ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga sugnaayeen.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa ciidamadan wax ka weydiiyay gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq alqaadi, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee gobolka laga soo sheegayo.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo xadka ka soo gudbey
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:36 0:00

XS
SM
MD
LG