Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Inter oo Kusoo Laabatay Kaalinta Labaad


Ivan Perisic
Ivan Perisic

Kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa kusoo laabatay kaalinta labaad ee horyaalka kadib marki ay xalay 2-1 uga adkaatay kooxda Hellas Verona.

Inter oo xilli ciyaareedkan aanan marnaba dhinaceeda la dhigin ayaa waxaa goolka koowaad u dhaliyay laacibka khadka dhexe uga ciyaara ee Borja Valero daqiiqadi 36-aad, hase yeeshee Verona ayaa ka daba tagtay kadib marki uu goolka barbarraha u keenay Giampaolo Pazzini oo rigoore ku dhaliyay.

Goolka kaalinta labaad kusoo celiyay Inter waxaa si qurux badan u dhaliyay wiilka reer Croatia Perisic.

Inter hadda waxay leedahay 29 dhibcood, waxay laba buundo ka hooseysaa kooxda horyaalka hogaamineysa ee Napoli.

XS
SM
MD
LG