Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kante oo Soo Laabanaya


N'Golo Kanté
N'Golo Kanté

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea N'Golo Kante ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto garoomada, kadib marki uu kasoo bogsaday dhaawac uu muddo todobaadyo ah la jiifay.

Kante oo ah xidig u dhashay dalka France balse kasoo jeeda qaarada Africa, ayaa ka dhaawacnaa muruqa cajirka tan iyo bishii September. Waxaa lagu wadaa inuu kursiga keydka soo fariisto ciyaarta ay kooxdiisa Chelsea la ciyaari doonto habeenka Talaadada.

Lugta labaad ee ciyaarta Roma iyo Chelsea ayaa ka dhaceysa magaalada Roma. Is aragi hore waxay kusoo dhamaatay 3—3.

XS
SM
MD
LG