WASHINGTON. D.C —
Kooxda Werder Bremen ee dalka Jarmalka ayaa xilka ka xayuubisay macallinki kooxda Alex Nouri kadib guuldarooyin lasoo gudboonaay kooxda xilli ciyaareedkan.
Guuldarradi ugu danbeysay waxay Bremen kala kulantay Axadii naadiga Augsburg. Ciyaartaas oo ka dhacday guriga Bremen ayaa waxaa 3-0 ku badisay Augsburg.
Bremen ayaa ku jirt akaalinta labaad ee qeybaha hoose ee horyaalka Jarmalka, waxay leedahay shan dhibcood kadib 10 kulan oo ay ka ciyaartay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.
Facebook Forum