Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Dishey Nin ay ku Eedeeyeen Basaasnimo


Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda al-Shabaab ay degaanka Buq-Aqable ee gobolkaasi ku toogatay nin la sheegay inay ku eedeyeen in uu basaas u ahaa ciidamada Amisom, qeybta saldhiga ku leh degmada Jalalaqsi.

Ninkaasi ayaa al-Shabab magaciisa ku sheegeen Cali Axmed Caddow oo da’diisa aheyd 51 snao jir ah. Al-Shabab ayaa la sheegay inay ninkaasi geeyeen fagaare kadibna ay toogteen.

Ilo madax bannaan ayaa VOA u sheegay in al-Shabab ninka ay maanta toogteen ay hore ugu amreen in uu ka guuro degaanka Durgoys oo ku yaalla duleedka Jalalaqsi una dhow saldhiga ciidamada Amisom qeybta Jabuuti, balse uu ka madax adeegay, toddobaadkii la soo dhaafay ayaana la sheegay inay xilli habeen ah gurigiisa kala baxeen.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha u doodda ayaa dhalleeceeya qaabka ay al-Shabab dadka u maxkamadeeyaan una ciqaabaan, oo aan ahayn kuwo dadka u furan si madax bannaanna aan loo xaqiijin.

XS
SM
MD
LG