Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka DFS iyo Maamul Goboleedyada oo Muqdisho Ka Socda


Hoggaamiyayaasha dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleed-yada ayaa la sheegay inay guda galeen ajandayaasha shirkooda ka socda magaalada Muqdisho.

War ay idaacadda VOA ka heshay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxda dawladda iyo kuwa maamul goboleed-yada ay ka wada hadlayaan qodobo ay ka mid yihiin:

  • Nabad-gelyada
  • Arrimaha Doorashooyinka 2020
  • Dib u eegista dastuurka
  • Qeybsiga kheyraadka
  • Iyo arrimaha ka dhex-taagan labada dhinac

Shirkan ayaa la sheegayaa inuu socon doono 2-da maalmood ee soo socda.

Shirkan waxaa ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii dhowaan kala aragti duwanaansho ay soo dhex gashay dawladda federaalka iyo madaxda maamul goboleed-yada, taasi oo ku saabsan xiisadda gacanka iyo arrimo la xiriira dastuurka iyo isklu dhafka ciidamada.

XS
SM
MD
LG