Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Nin la Dilay Xubno Qoysiiskiisa ka Mid ah


Digniin: Wareysigani waxa uu si qayaxan uga hadlayaa sidii dilalku u dhaceen, kuwaas oo uu ku jiray ilmo yar oo lix bilood jiray, markaa qofkii uu ku adag yahay dhageysiga wareysigani ha ka digtoonaado

Saraakiil dawladda Soomaaliya ah iyo hawlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdishu 45 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay u badan yihiin rayid shacab ah oo huteelkaais ku sugnaa iyo kuwo jidka marayey.

Waxaa kale oo la xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jiraan carruur qaarkood ay jiraan dhowr bilood.

Shacabkaasi dhintay waxaa ka mid ah qoys ay ka geeriyoodeen afar xubnood oo iksugu jira afar carruur ah iyo ayeydood. Saddex qof oo kale oo isla qoyska ah ayaa dhaawacmay.

Haddaba Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay aabaha wiil lix bil jir ah oo lagu dilay weerarkaas, waxaana uu ku dhintay canuggaas xabad ku dhacday hooyadiis oo dhabteeda uu ku sugnaa.

Ninkaasi waanu qarinay magiisa sababo dhinaca amniga ah.

Dhageyso Wareysiga Qaraxii Hoteelka
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:20 0:00

XS
SM
MD
LG