Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sambaloolshe iyo Saacid oo Xilkii laga Qaaday


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xilkii laga qaaday Taliyihii Hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) iyo Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid).

Talaabadan ayaa timid ka dib markii labo weerar oo darani ay ka dhaceen magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah labada weerar ayaa ka dhacay huteelka Naasa Hablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar-weyne, kaas oo ay ku dhinteen tiro ka mid siyaasiyiin, xubno hore oo barlamaan iyo dad shacab ah.

Qaraxa kale ayaa ka dhacay meel u dhow taalada Dal-jirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Isku darka qaraxyada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay ilaa 26 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale.

XS
SM
MD
LG