Isku xirrada

War Deg-Deg ah

5 Qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Mudug


Dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka ka bilaabmay deegaanka Godad oo ku yaalla waqooyi bari gobolka Mudug.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo ay ku dhinteen illaa shan qof oo ah dhinacyada dagaalamay, islamarkaana dhaawc gaadhaya 20 qof la soo gaadhsiiyey goobaha caafimaadka.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu daba socdo iska hor imaad laba maalmood ka hor dhex maray xoolo dhaqato ka soo kala jeeda dhinacyada hadda dagaalamaya, waxaana la soo sheegayaa in wali uu socdo dagaalku.

Wariyeheenna Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixintan ka soo diray Magaalada Gaalkacyo.

Dagaal ka dhacay Mudug
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:54 0:00

XS
SM
MD
LG