Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Miino oo Dilay ugu Yaraan 6 Qof


Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay kadib markii qarax miino uu haleelay babauur bas ah oo marayey meel u dhow tuulada Daniga oo u dhaxysa Magaalooyinka Balcad iyo Afgooye.

Wararka aanu ka helayno dadka degaanka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay miino lagu aasay dhulka, waxaana la sheegay in la qarxiyey xilli uu baabuurkan waddada marayey.

Mas'uuliyiinta degaanka ayaa sheegaya in baabuurkan ay la socdeen dad rayid ah oo khudaar ka keenayey magaalada Afgooye.

XS
SM
MD
LG