Maamulka sare ee kooxda AC Milan ayaa ku hagoogtay tababaraha naasigaasi Vincenzo Montella kadib marki ay kooxda ku jabtay kulanki ay Axadi la dheeshay naadiga ay aadka u xafiiltamaan ee Inter Milan.
Inter ayaa Milan ku garaacday 3-2 ciyaar aad caalamka looga daawaday. Saddexda goolba waxaa Inter u saxiixay weeraryahankooda Mauro Icardi, halka labada gool ee Milan ay kala dhaliyeen Suso iyo Bonaventura.
Waxay aheyd guuldarradi sadexaad oo xiriir ah oo ay Milan kasoo hoyneyso sadexdi kulan ee ugu danbeysay ee ay ka ciyaartay horyaalka Talyaaniga ee Seria A. Arrintaasi ayaa dhalisay shaki ah in Milan ay ceyrin doonto tababare Montella.
Agaasimaha maamulka ee AC Milan Marco Fassone ayaa Isniintii u sheegay warbaahinta in Montella uu lasii joogayo naadiga. Wuxuu tilmaamay in kooxda iyo macalinkaba ay u baahanyihiin waqti.