Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada dadkii ku dhintey Qaraxii Muqdisho oo Gaartey 276


Warsaxaafadeed caawa ay soo saartey wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegey in ay korortey tirada dadka ku dhintey qaraxii ka dhacay Zope, magaalada Muqdisho. Tirada dhimashada ayaa la sheegey in ay gaartey 276. Tirada dhaawacyada ayaa lagu sheegey 300 oo qof kuwaasoo la kala geeyey cusbitaalada magaalada.

Maydadka 111 qof oo ka mida 276 qof ee dhimatey ayaa warbixintan lagu sheegey in ay qoysaskooda aaseen halka 165 qofna ay dowlada federaalka iyo dowlada hoose ee Xamar ay iska kaashadeen duugtooda.

Aroorta hore ee saaka oo Isniin ah ayaa la filayaa in ay magaalada Muqdisho soo gaarto diyaarad qaadeysa dhaawacyada aan dalka wax looga qaban Karin, sidoo kale diyaaradaas ayaa la sheegey inuu la iman doono wasiirka caafimaadka ee dalka Turkiga sida uu VOA u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta dowlada federaalka ah.

XS
SM
MD
LG