Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Hooyada Dhashey Dhakhtarad Dhawaan Dhameysay Barashada Caafimaadka


Waxaa si weyn u korodhay tirada dadka ku dhintay qaraxii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdishu. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo booqaday cisbitaallada waxay sheegeen inay inay dhinteen dad ka badan 230 qof boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen dad shacab ah oo ku ganacsanayay waddada dhinaceega, kuwo kale waxay ahaayeen dad safar ah, arday, shaqaale iyo dad kale oo badan oo masaakiin ah oo an waxba galabsan.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Maryan Cabdullaahi oo ahayd dhakhtarad dhowaan dhammaysatay waxbarashada caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir.

Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka kula xiriirtey Hinda Yuusuf oo ah gabadha hooyayeed, waxayna weydiisay sida ay uga war heleen geerida gabadheeda?

Dhageyso Hooyada Dhashay Dhaqtar Ku Dhimtay Qarixi Xamar
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:05 0:00


XS
SM
MD
LG