Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo ku Dhawaaqay Baroordiiq Qaran


Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii wax ku noqday qaraxii ka dhacay isgoyska Zobe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale amray in hoos loo dhigo calanka Soomaaliya.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa saaka ka soo kabsanaysa bubur lixaad leh oo ka soo gaaray qaraxii baabuur ee shalay gilgilay isgoyska Zobe ee bartamaha magaalada.

Wali si rasmi ah looma ogga tirada ku dhimatay ama ku dhaawacantay, balse goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Mid ka mid ah ah xildhibaannada Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in in kabadan 100 qof oo rayid u badan ay qaraxaasi ku dhinteen, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Cabdiqaadir Maxamed Cabdulled oo ka mid ah weriyayaasha VOA ee magaalada Muqdisho.

Cisbitaallada magaalada Muqdisho waxaa buux-dhaafiyay dhaawcyo badan oo la gaarsiiyay, waxayna saraakiisha caafimaadku ay dadka ka dalbadeen inay dhiig ku yaboohaan.

Saraakiisha xarumaha caafimaadka ayaa VOA u sheegay in cisbitaalladu aysan awoodi karin maareynta dhaawacyada la soo gaarsinayo.

Wararka ayaa sheegaya in maydad ama dad dhaawac ah ay wali ku hoos aasan yihiiin daaraha qaraxa ku dumay.

Maraykanka iyo QM ayaa si weyn u canbaareeyey qaraxaasi.

XS
SM
MD
LG