Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxii Muqdisho oo Khasaarihiisu uu Kordhey


Dad maraya meel u dhow daartii Zoobbe, ee Muqdisho oo uu qarax xooggan ka dhacay Oct 14, 2017.
Dad maraya meel u dhow daartii Zoobbe, ee Muqdisho oo uu qarax xooggan ka dhacay Oct 14, 2017.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, gelinkii dambe ee maanta.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Waxana illaa iyo hadda la ogaadey dhimashada in ka badan labaatan ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku geedaameen isgoyska iyo dhismayaasha ka ag dhow oo qaarkood ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa.

Qaraxaasi ayaa waxa ku dhintay illaa iyo ku dhawaad labaatan ruux, iyadoo tiro badan kalena ay ku dhaawacmeen.

Wariyaha VOA ee Muqdisho, ayaa sheegey in uu indhihiisa ku arkey meydadka dhowr ruux oo meesha daadsana. Waxa suuragal ah in khasaaraha uu intaasi ka bato.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa. Warar aan la xaqiijin ayaa soo warinaya in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen qaraxaas.

Qeybtan hoose ka dhageyso warbixin ku saabsan qaraxa Muqdisho ka dhacay.

Dhageyso Qaraxa Muqdisho oo Qasarihiisu Kordhey
please wait

No media source currently available

0:00 0:19:36 0:00

XS
SM
MD
LG