Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii dhawaan magaalada Kismaayo ay ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada.
Shirkaasi ayaa waxay madaxda maamul goboleedyada dhaliilo ugu soo jeediyeen xukumadda dhexe, waxayna kaga dhawaaqeen Isbaheysi ay ku mideysanyihiin maamul goboleedyada.
Wariyeheenna Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan Nairobi ka soo diray.