Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulamada Sabtida ee Horyaalka Ingiriiska


 Premier League
Premier League

Birri galab iyo habeen danbe waxaa dib u bilaaban doona horyaalada kubada cakta ee Yurub, kadib marki 10-ki maalmood ee lasoo dhaafay ay dunida ka dhacayeen ciyaaraha is-reeb-reebka loogu soo baxayo koobka aduunka ee 2018-ka lagu qaban doono Ruushka.

Dhinaca Ingiriiska, Premier League-ga ayaa dib usoo laaban doona Sabtida burrito ah. Ciyaarta ugu kulul ayaa waxay dhexmari doontaa kooxaha Liverpool iyo Manchester United.

Ciyaartan oo ka dhici doonta magaalada Liverpool, ayaa kooxda Manchester United waxaa laga yaabaa inaysan u safan Marouane Fellaini iyo Michael Carrick oo qaba dhaawacyo yar yar, halka Liverpool uu ka maqnaanayo xidigooda Sadio Mane oo dhaawac aawadii garoomada uga maqnaan doona hal bil.

Ciyaarahakalana, kooxda difaacaneysa horyaalnimada ee Chelsea waxay booqan doontaa Crystal Palace. Manchester City oo horyaalka hogaamineysa wajaheysa Stoke City. Tottenham oo ku jirta kaalinta sadexaad waxay la dheeli doontaa Bournemouth. Burnley iyo West Ham United ayaa wada ciyaari doona. Swansea waxay soo dhaweyn doontaa Huddersfield Town. Halka Arsenal ay booqan doonto Watford.


XS
SM
MD
LG