Ciyaar-yahankii hore ee Burtaqiiska Luis Figo, ayaa UEFA u magacowday in uu noqdo lataliyaha UEFA ee dhinaca kubadda cagta, sida ay hay'addaasi sheegtay Arbacadii.
Figo, ayaa ku biirey ciyaar-yahannadii hore ee Nadine Kessler iyo Dejan Stankovic, oo horraantii sanadkan loo magacaabay la taliyayaal, kuwaas oo si dhow ula shaqeyn doona madaxweynaha UEFA Aleksander Ceferin iyo UEFA guud ahaanba.
Kooxdan ayaa ka shaqeyn doona arrimo ay ka mid yihiin farsamada iyo shuruucda. Figo ayaa hore isugu soo sharaxay in uu noqdo madaxweyna UEFA sanadkii 2015.