Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho Maanta ka Dhacday Degmada Xudur


Degmada Xudur ee gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii u horaysay yeelatay gole deegaan iyo maayar ay iska soo dhex doorteen.

Doorashadan oo maanta ka dhacday degmadaasi ayay xubnaha golaha deegaanku cod qarsoon oo sanduuq ah ugu codeeyeen guddoomiyaha degmada iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaan Maxamed Macalin Aadan oo ku magac dheer “Mad Muran” waa guddoomiye ku xigeenka guddida arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo dawladaha hoose ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uu ka mid ahaa masuuliintii qaybta ka qaatay waxaana uu waxyar kadib markii doorashadu ay dhacday isagoo jooga Xudur uu u waramay Cabdixakiim Maxamuud Shirwac, waxaana uu ugu horeyn sharaxayaa sida ay ku soo bilaabantay.

Dhageyso Doorasho Ka Dhacdy Xudur
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00

XS
SM
MD
LG