Isku xirrada

War-murtiyeed kasoo Baxay Shirka Maamul Goboleedyada


Madaxda Maamul Goboleedyada

War-murtiyeed ayaa kasoo baxay shirkii madaxda dawlad goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Ksimaayo waxayna ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay kala tashato arrimaha masiiriga ah ee taabanaya shacabka ku nool gobollada.

War-murtiyeedkaas ayaa gobolladu waxay walaac ka muujiyeen qaybta ay ka helaan kaalmada caalamiga, waxay kalsoo sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida dawladda federaalku u maamulayso arrimaha federaalaynta, dastuurka iyo xeerarka kale ee kasoo baxa dawaladda dhexe.

Mamaul goboleedyada ayaa sheegay inay go’aan ku gaadheen in si ku meel gaadh ah loo hakiyo hawlaha la xiriira dib u eegista dastuurka tan iyo inta go’aan siyaasadeed oo kama dambays ah laga gaarayo sida loo wadaagayo khayraadka iyo awoodaha hawl fulineed ee dalka, sida lagu sheegay war-murtiyeedkaasi.

War-murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxda maamul goboleedyadu ay samaysteen golaha iskaashiga dawlad goboleedyada oo sanandka koowaad ay guddoomiye iyo ku xigeen u kala yihiin madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiqeli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG