Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya iyo Sudan oo Heshiisyo kala Saxiixday


Farmaajo iyo Albashiir
Farmaajo iyo Albashiir

Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa heshiisyo ku kala saxiixday magaalada Khartoum ee dalka Sudan oo uu booqasho ku tagey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Heshiisyadan ayaa ku saabsan amniga, iskaashiga caalamiga ah, waxbarashada, beeraha, fanka, ciyaaraha, socdaalka iyo duulista hawada. Diblomaasiyiinta ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa iyagana tababarro ku qaadan doona dalka Sudan.

Sida qoraalka Villa Somalia lagu sheegay, fulinta heshiisyadan ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dowladood kuwaas oo yeelan doona kulamo joogto ah.

Waa heshiisyadii ugu ballaarnaa ee ay galaan taniyo markii uu soo bilowday xiriirka labada dawladood, sida qoraalka lagu yiri.

Dhanke kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kormeeray warshadda lacagta, gaar ahaan kayd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Sudan ay u daabacday Soomaaliya oo hawsheedu ay soo bilaabatay 2011-kii iyo warshadda Yarmuuk ee soo saarta qalabka ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir, ayaa bogaadiyey wada-xaajoodyada ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Sudan.

Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa heshiisyadan ka wareystay Fiidoow Maxamud Fiidow u qeybsanaha warfaafinta ee safaaradda Soomaaliya ee Suudaan.

Dhageyso wareysiga Sudan iyo Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:24 0:00

XS
SM
MD
LG